Muxuu Sheekh Usuuli ka yiri maqnaashaha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee…?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cismaan Usuuli oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ka qayb-galaya shirweynaha culimada ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda.

Ugu horreyn Sheekh ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay shirka u socda oo ay qaadaceen maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in arrintaasi laga haboonaa, maadaama shirka uu yahay mid wadatasho ah, loogana hadlayo xaalka dalka.

Sheekha ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan culimada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay u istaagaan bad-baadada dalka iyo inay nasteexaan siyaasiyiinta.

“Siyaasiyiinta Wadanka aan ka badbaadino booskii Ambiyada ayaan kur jirnaa, waxaa arkee Maamul goboleedyo dhahaayo Shirka waa qaadacnay” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo, si looga gudbo khilaafaadka dhexdooda ah.

“War cadow ayaa nagu maqan taarkhdeenna ayaa la beddalayaa annaga waxaan ku mashquulsanahay kaliya Mowliid mala dhigi karaa iyo ma la dhigaayo” ayuu ku daray.

Shirka Muqdisho ayaa waxaa kahor yimid culumada Ahlu Sunna iyo sidoo kale maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo iyagu sheegay inay gebi ahaanba xiriirka u jareen wasaaradda diinta iyo awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka horay uga baxay Galmudug ayaa waxaa lagu yiri “Wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxay caddeyneysaa in aysan jirin cid ku metasho shirka wadatashiga culimada ee maanta furmay, maamaama aanan waxba kala socon shirkaas. Galmudug waxay ku dhawaaqeysaa inay gebi ahaanba joojisay wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya, inta lagu heshiinayo qaabka wada shaqeynta”.

Koonfur Galbeed ayaa iyaduna sheegtay in aysan qayb ka ahayn shirka culimada ee uqdisho, isla markaana aanay quseyn qodobada kasoo baxa.