Qaraxyo lagu hoobtay iyo weerar toos ah oo xalay ka dhacay xeebta Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerartay dad shacab ah oo ku sugnaa barxadda weyn xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo maleynayo in dad lagu soo xiray ayaa gilgilay barxadda xeebta Liido, waxaana xigay weerar toos ah oo ka bilowday gudaha Hotelka Beach View.

Dad badan ayaa lagu laayey qaraxyada, waxaana lasoo duubay muuqaalada meydad iyo dhaawacyo daadsan banaanka xeebta Liido.

Sidoo kale waxaa muddo socotay rasaas ka dhaceysay gudaha hoteella oo la aaminsan yahay inay ka dhex dagaalameen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Rasaas toos ah iyo banbaanooyin ayaa ka dhacaysay saqdii dhexe ee xalay, ciidamada ammaanka ayaa ka howlgalay sidii ay xaaladda nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

Waxaa adkaatay in loo gurmado dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay oo daadsanaa barxadda weyn ee xeebta Liido.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa mar qura xalay aad cirka isugu shareertay, waxaana isbitaallada Muqdisho la dhigay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas.

Xarumaha caafimaadka qaar waxaa adkaatay in la helo dhiig lagu shibo dhaawacyadii dhiig baxay, waxaana baraha bulshada jaam ka dhigay noocyada dhiigga la raadinayo.

Ciidamada Amniga markiiba deg deg u bilaabay hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjarista Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Weli ma jirto cod shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, dowladdu waxay ku howlan tahay xog uruurinta iyo la tacaalidda wixii dhacay, waxaana lagu wadaa in maanta ay shaaciso sidii ay xalay wax u dhaceen.