War cusub oo kasoo kordhay lamaanihii arooska ee ku dhintay weerarkii LIIDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Saameynta ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee xeebta Liido ayaa sii xoogeysatay, kaas oo lagu laayay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ahaa Saciid Macallin iyo xaaskiisa oo aroos ahaa, kuwaas oo xalay kamid ahaa dadkii ku caweynayay xeebta Liido ee Muqdisho.

Marxumka walaalkiis oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuua sheegay in gabadha ay ku geeriyootay qaraxa, wiilkana isaga oo ordayay laga toogtay dhabarka, isla markaana lagu dhuftay illaa 7 xabadood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoyskan uu ahaa aroos cusub, isla markaana wiilka iyo gabadha ay is guursadeen muddo hadda laga joogo wax ka yar saddex bilood.

“Walaalkey Saciid Macallin geeridii naxtinta lahayd ee xalay ku timid isaga iyo xaaskiisa 90 beri isma qabin oo arooskiisa mardhow ayaan ka qayb-galnay xalay gabarta waxay ku dhimatay qaraxa, wiilkana isagoo usii socdo xeebta ayaa dagaal laga toogtay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga ayaa dharka ka furay todobo xabadood ayaa gadaal uga tiilay badda ayuu geli rabyay way toogteen”

Guud ahaan tirada dhimashada ayaa kor u dhaafeysa illaa 30 qof, dhaawacana 100 kale, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saraakiisha caafimaadka.

Xaaladda goobta ayaa hadda deggan, waxaana laamaha amniga ay ku guuleysteen inay si nabad ah u qarxiyaan baabuur qaraxyo waday oo way wateen xubnihii weerarka qaaday.