Maxaa loo qabtay shacabkii ay xalay dhibaatada soo gaartay? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo dad badan lagu dilay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban oo looga hadlay sidii loo laba jibaari lahaa u gurmashada dadka Shacabka ahaa ee xalay cadowgu ku beegsadey xeebta Liido

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, wasiiro iyo xubno kamid ah gudiga arrimaha bulshada Baarlamaanka.

Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in gurmadku u socdo sidii loogu tala galay wixii soo kordhana la wadaagi doonaan Bulshada Soomaaliyeed.

”Isbitaalada waa in si lacag la’aan ah ay ku daaweeyaan dadka ku dhaawacmey weerarkii Xalay, intii laga maarmi waayo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Dhinaca kale waxaa xaalad adag ay ka jirtaa isbitaallada la dhigay dhaawacyada sida Isbitaalka Digfeer, iyada oo maamulka uu farriin deg-deg ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido.

Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada.

“İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-,  A+ iyo  B+” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa  si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay  uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”.