Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday Somaliland kadib weerarkii Liido

Hargeysa (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho , kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.”

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah ugu dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.”

Haddaba sidee looga falceliyay:-

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay tallaabada ay qaaday Somaliland, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo war noocaan oo kale ah ay kasoo saarto xaaladda Soomaaliya, waxaana dadka ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, iyaga oo badi soo dhaweeyay hadalka Somaliland.

Khaalid Baashe ayaa yiri “Somaliland oo 30 sano kadib hadda soo fahmaysa muhiimada dibloomaasiyadda!”.

Naciima Ismaaciil “Somaaliland waa gob walee Alle ha unaxariisto intii ku dhimatay dhaawacyadana Alle swt caafimaad taama ha siiyo Aamiin”

Xasan Suleymaan “Damqashadaa nala damqateen waa idinka qabnaa walalayaal maadaama Soomaalinimda naga dhxeyso”.

Maxamuud Sheekh Maxamed “Xamar amxaar baa naga xiga maxaa u tiraahdeen Soomaliya iyo Somaliland waa hal mid”.

Cabdiqaasim Tahliil “Waad ku mahadsantihiin sida aad ula damqateen walaaladiin Soomaaliyeed ee dhibta soo gaartay. Qaranka soomalilaand ha guuleysto.

Sukayna Maxamed “Waxa la isku hayo waxa lays ku yahay baa ka wayn Alle dhibaatada ha idinka dulqaado inta dhimatayna Allah ha unaxariisto dhaawacana Alle ha caafiyo”.

Mascuud Xasan Cumar “Walaalayaal waad mahadsantihiin ummada soomaliyeed tii israacdo Allaha ka dhigo”.