IRAN oo shaacisay baaritaanka dilkii Ismaaciil Haniya

Tehran (Caasimada Online) – Ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in “Saaruukh meel dhaw” laga soo tuuray goob aan sidaas uga fogeyn guriga martida ee Tehran.

Koox ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in gantaalka uu culeyskiisu ahaa 7kg (16lbs) uuna sababay “qarax xooggan”, oo ay ku dhinteen Haniyeh iyo ilaaladiisa arbacadii la soo dhaafay.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay naqshadeeyeen oo ay fuliyeen hawlgalka, balse Israa’iil kama aysan hadlin geerida Haniyeh.

Wargays laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Daily Telegraph, ayaa baahiyay in Haniyah lagu dilay bambaanooyin ay qolkiisa ku xireen wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Iran ayaana been abuur ku tilmaamtay wararkaas, Isagoo soo xiganaya saraakiil Iiraani ah, wargeysku wuxuu sheegay in laba ka mid ah wakiillada Mossad ay galeen guriga martida oo ay walxaha qarxa ku xireen saddex qol. Iiraaniyiinta oo daawaday muuqaallada CCTV-ga ee hawl-wadeennada, ayaa sheegay in labadoodu ka dib dalka ka baxeen ka hor intii aanay qarxin bambooyinka meel ka baxsan Iran.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale sheegay in Haniyeh lagu dilay walxaha qarxa oo qolkiisa lagu dhex qarxiyay, isagoo sheegay in la sii aasayay labo bilood ka hor. BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkan.

Laakiin mas’uuliyiinta Xamaas ayaa BBC-da u sheegay horraantii toddobaadkan in Haniyeh uu horay u joogay isla guriga martida. Waxa uu ilaa 15 booqasho ku tagay Iran tan iyo markii uu noqday madaxa xafiiska siyaasada sanadkii 2017.

Ilaalada Kacaanka iyo dowladda Iran ayaa lagu tilmaamay in ay ku guul dareysteen sugidda amaanka.

Waxaa la xiray tobaneeyo sargaal oo ka tirsan ilalaada kacaanka iyadoona lagu sameeyay shaqo joojin sida ay warisay New York Times.

Si kasta oo ay ahaataba qaabka uu u dhintay Haniyeh, Iran iyo Xamaas labaduba waxa ay wacad ku mareen in ay aargudan doonaan.

IRGC ayaa Sabtidii sheegtay in Israa’iil ay heli doonto “ciqaab adag waqtiga, goobta iyo habka ku habboon”.

Ururka Xisbullah, oo ay Iran taageerto iyo kooxda siyaasadda ee Lubnaan, ayaa sidoo kale wacad ku maray inay ka aargoosan doonto. Mid ka mid ah taliyayaashooda ugu sarreeya, Fu’aad Shukr, ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil qaadday Talaadadii hore.

Ka dib markii hawlgal ay Israel ku dishay IRGC Brig Gen Mohammad Reza Zahedi horaantii sanadkan, Iran ayaa 170 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, 30 gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo ugu yaraan 110 gantaal oo ballistic ah u riday dhanka Israel.