Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay duleedka magaalada.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Illaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo qaraxa iyo bartilmaameedkiisa, waxaana lagu soo waramayaa in goobta gaareen laamaha amniga dowladda.

Jimcihii unbey aheyd markii qarax xooggan iyo weerar toos oo xigay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido, kaas oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Al-Shabaab oo dagaal uga socdo gobollada dhexe ayaa waxaa muuqata inay culeys soo saartay magaalada Muqdisho, si ay weli isku muujiso in weeraro ka fulin karto caasimada oo bilihii dambe jawi xasiloon ku jirtay.

Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online.