R/wasaare Xamza oo Maxamed Fatiir u magacaabay xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo agaasimaha guud ee bulshada bariga Afrika (East African Community).

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto daladda bulshada bariga Afrika bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu markaas ku sugnaa magaaladda Caruusha ee Tanzania, halkaasi oo looga dhawaaqay ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah; Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Ku biirista Soomaaliya ee urur-goboleedka bulshada bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

Urur-goboleedkaan oo xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania dhismay sanadkii 2000-kii kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 8-da dal ee uu hadda ka kooban yahay.

Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii.