Laba qodob oo luf-luf siyaasaddeed aysan ka dhex raadin karan mucaaradka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Argagixisada waxay dishay in ka badan 30 qof oo shacab ah, waxayna dhaawaceen illaa 200 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah habeenkii Jimcihii lasoo dhaafay.

Waa culeys xoog leh, laakiin ma ahan markii koowaad, labaad, saddexaad ama xitaa markii 10-aad oo ay argagixisada tiro intaan le’eg ama ka badan ka disho umadda Soomaaliyeed.

Culeyskan tixanaha ah eeddiisu waa inay marwalba ku dhacda cidda xukunka joogta ee shaqada amniga mas’uulka ka ah.

Laakiin midda aan la aqbali karin waa in siyaasad laga dhex raadiya dhibaatada gaartay shacabka Soomaaliyeed, iyada oo laga dhigaayo fursad lagu mucaarado madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa.

Iyada oo ay jiraan qaladaad badan oo dowladda dhexdeeda ah oo lagu mucaaradi karo Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa, haddana dhinaca kale waxaa jira labo qodob oo lama taabtaan ah oo laga dhex raadin karin luf-luf siyaasadeed.

1. La-dagaalanka argagixisada

Kooxdan oo culeyskeeda uu 15 jirsaday waxay dishay tobanaan kun oo shacab Soomaaliyeed ah, waxay hortaagan tahay nabadda iyo noloshada umadda Soomaaliyeed.

Dagaalka lagula jiro ee xaqa ah ma lahan af mucaarad iyo mid muxaafid, wuxuuna leeyahay hal albaab oo ah in dowladda lagu garab galo, lala toos-toosiyo oo shacab iyo siyaasina loo midoobo dagaalka.

Marka mucaaradnimada laga hadlayo wadada aada dhinaca la-dagaalanka argagixisada waa xiran tahay.

2. Kiiska Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muddo xileedkiisi hore dagaal biyaha la xiriira kula jiray dowladda Kenya, isaggoo sheegashadii Nairobi geeyay maxkamadda cadaaladda adduunka, illaa markii ugu dambeysa ay Soomaaliya ku adkaatay kiiskii badda ee kala dhaxeeyay Kenya.

Maantana waxay Xasan ula taalla Itoobiya, taas oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Waa macquul inay wax ka qaldan yihiin sida ay dowladda u wajaheyso arrinta Itoobiya, laakiin iyada oo la siyaasadeyn dowladdda tallo waa lagu biirin karaa, waa qofka ay ka tahay toosin iyo qarankaagu ha adkaado.

Balse jidkaana waa xiran yahay haddii laga fikiraayo kalluumeysi siyaasadeed, oo waxaa dhici karta in adigoo isleh Xasan Sheekh ku xumee arrinta Itoobiya in si aanad fileyn ugu dhacdid afka Yaxaaska.

Madaxweyne Xasan Sheekh wax badan oo lagu mucaaradi karo ayuu farqaha ku haystaa, laakiin labadan qodob ee la-dagaalanka argagixisada iyo arrinta Itoobiya waa in aan la siyaasadeyn oo aan laga dhex raadin dhibco dhimasho noqon kara.