Caro xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladda kadib weerarkii LIIDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin uun kadib qaraxii xeebta Liido ku dhowaaqday qaaran aruurin, ayada oo soo bandhigtay akoonadii ugu badnaa ee lacag lagu diri karo.

Akoonnadan ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan guddiga maaliyadda qaran ee qaraxa Liido, oo maalin kadib uuna la dhisay, taas oo si weyn uga careysiisay shacabka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayay dadka qaar ku tilmaameen mid macaash looga sameynayo dhibaatada soo gaartay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku eekeysay xeebta Liido.

Guddiga maaliyadda qaran ayaa dhankooda sheegay in qaarankan uu qeyb ka noqonaya taakullada dadkii ku waxyeloobay qaraxii Liido, ayada oo dadka ay ka horyimaadeen in shacabka dhibaateysan dib lacag loo weydiiyo halkii ay aheyd in dowladda kafaalo qaado daaweyntooda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Taagane: “Qof shilin idiin soo direyso ma jirto ee magaca umada Soomaaliyeed aduunka deemaha looga soo qaado ku celiya umada.”

Mahad America ayaa isna waxa uu yiri “dowlad muwaadiniinteeda canshuur ka qaadaysa laakiin aan awoodin in ay daryeel Ccaafimaad u fidiso haddii dhib soo gaaro!.”

“Qof laga qaaday toddoba nooc oo canshuur ah, miyaad caawimaad waydiiseen,” ayuu yiri Cabdiqani Jaamac Ciise.

Xuseen Cumar: “Waala dhiman aah ka cabsado maalin kasto gurmad lacag aruurin haku jirine ka horta sameeya dadale kale la imaado fadlan.”

Cabdullaahi Xasan Cali: “Qaraab tag Qaran!. Hal Account soo kuma filneen, haddiiba gurmad Qaran tahay, mise sheekada waa waxba yey na dhaafin! Midig ka Dhaw, Bidix ka dhaw.”

“Bes naga dhaha damiirkeena intaan kadib ma yeelaayo calyadaan. Aan kala xishoono,” ayuu yiri Cabdirashiid Muxumed Cali.