Daawo: Labo nin oo lagu toogtay Kismaayo, kadib fakashadii 4 nin oo Shabaab ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa galabta toogatay labo nin oo horay u geystay dilal, kuwaas oo bilowgii sanadkaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Qisaastaan la dedejiyey saacado kadib markii xalay rag dil toogasho ah lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ciidamada Puntland ay maamulaan.

Yaasiin Cismaan Colow oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland iyo Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa lagu kala magacaabaa ragga maanta lagu toogtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdullaahi Saciid ayaa bishii 3-aad ee sanadaan aad ugu faafay baraha bulshada isagoo maxkamadda ka hor qiranaya inuu dilay Maxamed-deeq Nuune Saalax oo ku qabsaday boos uu lahaa.

Erayada dareen taabadka lahaa ee ninkaas uu maxkamadda ka hor yiri waxaa ka mid ahaa “Mar dambe ha igu soo celin war hala I toogto, ninkaas anigaa dilay, waxaana ka difaacanaayey hantideyda.”

Dadka qaar waxay xiligaas dalbanayeen in kiiskaan loo fiiriyo si ka duwan sidii hore, maadaama ninkaan odaga ah ee dilka geystay uu muujinayo ciil iyo caloolyow ku kalifay inuu maxkamadda ka dalbado in deg deg loo toogto.

Ugu dambeyntii maanta ayaa tiirka la geeyey isaga iyo nin kale oo hora yuga tirsanaa ciidamada Jubbaland, waxayna toogashadoodu ku soo aaday saacado kadib markii afar Shabaab ah oo dil lagu xukumay ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

12 nin ayaa la sheegay inay xalay xabsiga ka baxsadeen, balse 8 ayaa la qabtay, waxaana la waayey 4 nin oo horay loogu helay Shabaabnimo iyo dilal ay geysteen, kuwaas oo ku xukunaa dil toogasho ah.

Hoos ka daawo