Turkiga oo masuul sare usoo direy Muqdisho xilli Fidan ku sugan yahay Addis

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dowlada Turkiga uga mahad-,celiyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli berri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub.

Socdaalka masuulkan sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Hakan ayaa halkaas ka wada kulamo gogol xaar u ah dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, isaggoo la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie. Safarkaan ayaa la sheegay inuu qaadan doono dhowr maalmood, wuxuuna door weyn ka qaadanaya xal u helista xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haysa heshiis beenaadkii badda.

Hakan Fidan ayaa inta uu joogo Itoobiya ka shaqeynaya sidii loo dhex-dhexaadin lahaa labada dal ee Turkiga saaxiibka la yahay, maadaama Turkiga uu aad u daneynayo gobolka Geeska Afrika, uuna dantiisa ka dhex arko Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah.