Ciidamo cusub oo loo diyaariyay Muqdisho kadib weerarkii Liido + Sawirro

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo aaday maalmo uun kadib weerarkii lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido.

Ciidamadan oo ka tirsan booliska Soomaaliya waxaa maanta tababar usoo xiray wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kadib munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ciidamada tababarka loogu soo xirayey wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsa ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonayo Booliska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.

Taliska booliska ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimada, si ay u xaqiijiyaan amnga guud, ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada mararka qaar ka dhacay gudaha Muqdisho.

Wasiir Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad amni, kadib bilo ay ka caaganayd falalka ammaan darrida ah, waxaase mar kale dib weeraradeeda u bilowday kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa beegsatay xarumo muhiim ah, sida Liido, Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere iyo saldhiga dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin xoogan.