Fahad oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Saciid Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si weyn u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo uu xilligan ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.

Fahad ayaa waxa uu sheegay in labada nin ay maanta isku hayaan wixii ay horey ugu hayeen xukunkoodii, sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu markasta u nugul yahay shisheeyaha, uuna sidaas darteed ula diriray markii ay xukunka joogeen, uuna tii ku hayo Xasan oo markaas raali uga ahaa, sida uu sheegay.

“Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Saciid Cabdullaahi Deni shalay markii ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo shisheeyaha isku dhaceen wuxuu la saftay shisheeyaha.

Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa, shalay markuu Deni shisheeyaha ka raacay maamulkii hore, wuxuu u yaqaanay taas kaarto siyaasadeed.

Laakiin ku dayan meyno oo kama tanaasuleyno mabaadi’da saxda ah ee difaaca dalka iyo u hiilinta qaranka.

Mucaaradnimada lafteedu akhlaaq bay rabtaa