Masar oo ciidamo u soo direysa Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ogolaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ururku soo dhoweynayo saameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya.

Howlgalkaas oo bedeli doona ATMIS ayaa magaciisa loosoo gaabiyaa AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohay in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan.

Howlgalkaan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilinta dalka.

Howlgalgaas ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-Shabaab.

Ka mid noqoshada Masar ee howlgalkan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Somalia iyo Ethiopia.

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay heshiis isfaham oo ay Ethiopia la gashay maamulka Somaliland oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Masar iyo Ethiopia ayaan xiriirkoodu wanaagsaneyn, kadib is afgaran waagii ka dhashay sida loo qeybsanaayo biyaha wabiga Nile oo labada dalba mara.