Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabaddii golaha wasiirada ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, xilli ay si weyn uga soo horjeedan siyaasiyiinta mucaaradka qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabadan ayaa billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan ku doonayo inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaana la horgeyn doonaa baarlamaanka Soomaaliya, si uu isna u ansixiyo.

Meel-marinta labada sharci ayaa waxaa durba ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo bulshada Soomaaliyeed ay su’aal ka keeneen sida ay xilligaan dalka uga qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah, ayada oo la ogyahay xaalka amni iyo in aysan jirin tallaabooyin dhab ah oo arrintaan u qaaday dowladda Xasan Sheekh.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdiraxmaan Dhamac: “Waddan aan amni lahayn baa doorashadiisa la isku haysta wixii waddanka dhacay cid iskala xisaabtamtay ilaa hadda lama hayo iyo shaqsi shaqadiisa ku waayey, marka in aan dowladnimo jirin sidaas baad ku garanaysaa waddankii amnigiisa cid uu gacan ugu jiro lama hayo oo isla-xisaabtam lama hayo.”

Yuusuf Cabdalle ayaa isna waxa uu yiri “Shaqo fiican ayaa qabateen ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, halka la joogo hore ha looga sii socdo.”

“Markii afka laga sheegaayo ama qoraal ahaan loo diyaarinaayo waa fududahay, sidoo kale ansixinteedu waa lamid oo waa fududahay laakiin markii la joogo ficil iyo fulinteedu aad ayay u adag tahay, mana muuqato wadadii lagu qaban lahaa xeerarkaan muhiimka ah,” ayuu yiri Cabdicasiis Khayrdoon.

Cabdikariin Jabra: “Doorasho dadban in laga guuro waa dow balse hannaan looga guuro ayaa loo baahanyahay.”

Cali Jaziira ayaa isna waxa uu yiri “Raggaan wasiirada ah ayagu xitee wey ogyihiin in wadanka doorasho qaf iyo cod laga qaban karin laakiin qalbiga umadda Soomaaliyeed ayey ku ciyaarayaan.”

Saadam Muxiyadiin: “Shaqo badan ayay rabtaa in dalkaan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ee sida ay wax u socdaan ha la beddelo haddii kale teendhadii baa lagu laaban.”

“Waxaan sugaynaa markaad darbiga soo taabataan oo dhahdaan Saciid Deni hala raadiyo,” ayuu yiri Saadam Baddal Salaad.

Maxamed Xuseen Fidaar: “2026 amaa aragnaa doorasho dadban iyadoo loo laabtay ama qof iyo cod ah oo dad kooban oo la ogyahay qofka ay dooranyaan.”

“Dowladdii oo dhan waxay noqotay mashruuc socda,” ayuu yiri Saalim Soofe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan

Maxamed Khaliif: ” Madaxweyne walba marku wareero doorasho qof iyo cod ah muxuu isugu xoqa horta.”