Dagaal culus oo ka dhex-qarxay ciidamada DF iyo Macawiisleyda

Xarardheere (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda uu ka dhacay gudaha degmada Xarardheere, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo goordhow istaagay ayaa lasoo wariyay inuu socday muddo kooban, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu dhex-maray Ciidamada Ilaalo Qaran iyo kuwa dadka deegaanka, kadib isfaham-waa soo kala dhex-galay, waxaana mar qura rasaas ay ka bilaabatay bartamaha magaalada, taas oo sababtay khasaaro.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay israsaaseynta laba dhinac, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo dha dhinacyadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana maamulka degmada Xarardheere uu sheegay in ciidamadii dagaalamay dib loogu celiyay xeryahooda.

Degmadan ayaa kamid aheyd meelihii ugu dambeeyay Al-Shabaab, waxaana haatan ay fariisin u tahay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee la diriraya Al-Shabaab.

Inta badan isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah ayaa kusoo laa laabta gudaha magaalooyinka waa wayn ee dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaare kala duwan.