DF oo lagula taliyay inay ku adkeysato laba qodob kahor shirka Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo lagu wado in maalinta Isniinta ah ay dib u billowdaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ayaa waxaa dowladda federaalka loo jeediyay dalab culus oo ku aadan shirka ka dhacaya Ankara oo ay gar-wadeenka ka tahay dowladda Turkiga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdshakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya inay laba arrimood ay ku wajahdo Itoobiya oo horay xad-gudub ugu gaysatay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii badda.

“Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay ka digtoonaato taaktikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta, maadaama ay rabto inay hesho deked.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta  (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics).

Sidaa daraadeed waa in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa;

1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya.

2- In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ee rasmiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya.

Maadaama waxa miiska saaran ay tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka Soomaaliya, dawlada Soomaaliya waa in aysan soo qaadin wax mugdi ku jiro oo fasiraad kala duwan yeelan kara.

Itoobiya maanta teeda ayeysan ka badi karin, wayna ka nugayl badan tahay Soomaaliya oo ah dal isku imaanaya, halka ay iyagu yihiin dal kala tegaya, mana aha in aan aqbalno wax kasta ama cid kasta oo isku dayda in ay inoo hoosaasiso ama loogto.