Xogtii u dambeysay wada-hadallada berri Ankara uga furmaya Somalia iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka furmo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa dadaal badan gelinaya sidii loo soo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixday qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waxaa magaalada Ankara ku sugan wafdiga labada dhinac ku metelaya wada-hadallada, ayada oo xalay uu halkaasi gaaray wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wada-hadalada bilaabanaya oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga ayaa waxaa si qoto dheer diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta Itoobiya ka xaqiijinayso midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Hakan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kahor furitaanka shirka khadka telefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaggoo kala hadlay wada-hadallada maalinta berri ah ka furmaya Ankara.

Erdogan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Itoobiya ayaa iyadna dhankeeda aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Isku soo wada duubo, wada-hadallada labada dhinac ayaa isha lagu hayaa, waxaana lagu wadaa in dhinacyadu ay heshiis ku gaari doonaan in laga laabto is-afgaradkii Somaliland, iyada oo Itoobiya loo ogolaanayo inay hab ganacsi kusoo gaarto biyaha caalamiga ah oo deked laga kireeyo.