Daawo: RW Xamsa oo qaaday tallaabo cajiib ah oo dhiirigelisay dhalinyarada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.

Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda.

“Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin.

Waxa uu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafbartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.

Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo