Taliye saldhig degmo oo ka bad-baaday isku day dil kadib markii…

Guriceel (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya israsaaseyn kooban oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, taas oo u dhexeysay ciidamada ammaanka degmadaasi iyo sidoo kale rag hubeysan.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii xiisad ka dhalatay dhul ku yaalla Cadaado ay ku baxeen ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada Cadaado Xuseen Ahmed, waxaana kadib goobta ka dhacday israaseyn oo u dhexeysay booliska iyo ragga hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaaray Taliyaha Booliska Cadaado iyo qof kale oo shacab ah, kadib markii haleeshay rasaastii goobta ka dhacday.

Taliyaha ayaa dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Cadaado kasoo sagootiyay maamulka degmada iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Xaaladda ayaa hadda deggan, laakiin waxaa soconayo dadaallo la doonayo in lagu soo xiro shaqsiyaadkii ka dambeeyay falka lagu dhaawacay taliyaha.

Dhulka la’isku haysto ayaa muddo dheer ay taagneyd doodiisa, waxaana isku haysto dad shacab ah, iyada oo haatan xiisadda ay isku bedashay gacan ka hadal uu dhaawac kasoo gaaray taliyihii Booliska degmada oo meesha u tegay inuu xalliyo xiisadda soo korortay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah-faahin ah oo mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ay ka bixiyeen dhacdan iyo xaalada taliyaha dhaawiciisa loo soo qaaday Muqdisho.