Khudbadii Wasiir Fiqi ee wadahadalka Somalia iyo Itoobiya oo tarjuman (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hogaaminaya ergada Soomaaliya ku meteleysay wadahadallada Itoobiya ee ka bilowday Turkiga ayaa galabta jeediyey Khudbad uu kaga hadlay qodobadii ay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Itoobiya, Septemer ku balansan kulan kale oo 3-aad.

Hoos ka aqriso khudbadii Wasiir Fiqi oo Tarjuman:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga labaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Ankara.

Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka.

Wadahadalkan wareeggiisa labaad waxaa laga gaaray horumar.

Soomaaliya waxay si adag uga go’an tahay ilaalinta madax bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda.

Madaama aan isku diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli waa ka go’an tahay in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa Mudane Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa dhexdhexaadinta wadahadaladan, waxaanan diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno, si xal loogu helo xiisadaha gobolka.

Aad ayaad u mahadsan tihiin.