Sidee looga falceliyay fashilka ku yimid wada-hadalladii Somalia iyo Itoobiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadalladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas oo uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, si xal loogu helo xiisadda badda ee labada waddan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Haddaba sidee looga facleliyay?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulsada ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay wada-hadallada fashilmay iyo wareegga 3-aad ee la balamiyay.

Deeq Cali “Wareega 3-aad waxay ila tahay Ethiopia ayaa gaartay guusha labadii kulan ee Ankara ee ila meeraysada ahaa waayo waxay caalamka u tusaysaa in ay wada-hadal ka gali karto bad iyo bari aysan waxba kulahayn oo haday doontana heliba karto sidaas darteed UN-ta iyo AU-da cadaadiska ka daayaan maadama wadahadalba laga gali karo Madaxbanaanida Somalia”.

Maxamed Careys “Aniga waxaan fahmi la ahay waxaan wada-hadal kala galeyno Itoobiyo ugu horeyn markan wada-hadal kala galeyno baddeena taas micnaheeda waxay lamid noqoneysaa aniga fikirkeyga in Itoobiya bada inala leedahay muranna uu inooga dhax taagan yahay”.

Najma Binjadiid “Aad ayu ugu mahadsanyihiin shaqada wanaagsan ee aad soo qabateen sidaasi iyo si ka wanaagsan ayan ka rajeyneynaa,”.

Cabdullahi Muuse “Wareega saddexaad waxa uu noqon doona mid aan Ethiopia kaga guuleysano oo aan ku bururburino heshiiski omalilnd iyo Ethiopia. Somalia badeeddu iib maaha”.

Maxamed Xuseen “Waxaaba qalad ah in wada-hadal lala furo Ethiopia marka hore raaligelin haka bixiso MoU-gii sharci darada ahaan ee ay la gashay maamulka Muuse Biixi markay ka laabatana la yiraahdo bad kuuma haynee Eritrea ka doono bad”.

Ismaaciil Cabdiraxiin “Yaab waayay oo hadda ma baddeena aan wada-hadal iyo dood ka galeeynaa arrintan ma fahmin illaa hadda?”.

Cabdi-deeq Cali “Ereyga wada-hadal mesha ha laga saaro maxaan ka wada-hadleynaa o meesha yaalo ma badda Soomaaliyeed?”.

Maxamed Cali “Ma xadgudubkii cadaa ayaa wareeg labaad iyo sadexaad loo qabtay oo gorgortan baddeena ah!!!!!!”.