R/Wasaare Xamza oo si xun u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan hadal-heynta ka dhalatay cabashada dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta.

Xamza ayaa sheegay in madaxda hadda tallada haysa oo uu ugu horreeyo madaxweynaha ay waxbadan u galeen dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay 30-kii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qabteen waxbarashadooda iyo horumarkooda.

“Madaxda dowladdaani oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha JFS iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya xiriir aad u adag oo soo jireen ah, waxay madaxdaani ku suntan yihiin Aaabeyaal ay u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale si xun u weeraray, uguna jawaabay xubnaha mucaaradka ee sida wayn u naqdiyay khudbad uu Jimcihii lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay cabashada dhalinyarada iyo shaqo la’aata ka jirta dalka

“Dhalinyarada Soomaaliyeed lama siri karo lama qaldi karo siyaasi bar go’ ah ma qaldi karo, been ma u sheegi karo” ayuu ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxaa kale oo uu yiri “Maanta siyaasadda dadka ku jiraan ama muxaafad ha noqdaano ama mucaarad ha noqdee qof maanta dhashay ma’aha 30-kii sano ee ina soo dhaaftay dalkan maxaa laga qabtay? nin weliba wixii uu qabtay iyo wixii uu dhalinyarada Soomaaliyeed u galay ayaa rabnaa in lagu xisaabtamaa”

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado xaqiiqada, runtana laga sheego taariikhda iyo qof kasta waxa uu soo qabtay.

“Waxaan rabnaa xaqiiqada iyo runta in la sheeg waxaan rabaa in aan lagu khaldamin dhallinyarada Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Xamza Cabdi Barre.