Paetongtarn Shinawatra: Waa tuma ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar Thailand?

Bangkok (Caasimada Online) – Paetongtarn Shinawatra ayaa jagada ugu sarreysa dalkaas kusoo biirineysa weji cusub, oo da’yar, iyo weliba xubin kale oo awood badan oo ka tirsan qabiilka Shinawatra.

Waa gabadha Thaksin Shinawatra, raysal wasaarihii hore oo kusoo laabtay Thailand bishii August ee sanadkii hore kadib 15 sano oo uu dibad-joog ahaa.

Gabadhan 37-jirka ah ayaa sidoo kale raysal wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Thailand, waana keliya haweeneyda labaad – tii ugu horreysay waxay ahayd eeddadeed Yingluck Shinawatra.

Paetongtarn oo Thailand looga yaqaanno naaneysteeda Ung Ing, Ms Paetongtarn ayaa caan noqotay markii ay horkacaysay xisbigeeda, Pheu Thai, doorashadii guud ee sanadkii hore.

Waxay noqotay qof caan ku ah ololaha, iyadoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ka hadli jirtay ilaa bisheedii ugu dambeysay oo ay ilmaheeda labaad uurka ku sidda.

Si kastaba qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed Potjaman, oo weli xubin awood leh ka ah Pheu Thai, ayaan dooneyn inay raysal wasaare noqoto, iyadoo ka baqeysa inay u nuglaato faragelinnada sharciga ah ee ku qasbay Ms Yingluck iyo Mr Thaksin inay dibad-joog noqdaan.

Balse xukunka maxkamadda ee aan la fileyn ayaa qaadacay raysal wasaarenimada Srettha Thavisin horraantii toddobaadkii hore. Marka laga reebo Mr Srettha, Pheu Thai wuxuu keliya lahaa labo musharrax raysal wasaare oo u qalmay inay beddelaan.

Ms Paetongtarn ayaa ka mid ahayd, kan kale waa dacwad-oogaha hore ee da’da ah, kaasoo xildhibaannada xisbiga ay aamisan yihiin inuusan tamar u heyn inuu hoggaamiyo ilaa doorashada xigta, ee la filayo inay ku qabsoonto muddo saddex sano ah.

Khibradda ugu weyn ee Ms Paetongtarn ayaa ah inay la shaqeyneysay kooxda hoteellada ee ay leeyihiin reer Shinawatra. Lagama fileyn inay gasho siyaasadda, waxayna keliya Pheu Thai ku biirtay sanadkii 2021.

Inay noqotay raysal wasaare, waxay ka dhigan tahay inay galeyso saaxad siyaasadeed oo adag.

Waxay isu tilmaantaa qof aad u taageersan hanti-wadaagga, qof xornimada bulshada la dhacsan oo si buuxda u taageerta sharciga cusub ee guurka ee Thailand.

Balse erayga ay inta badan dadka ku xusuusan doonaan ayaa ah “gabadha aabbahay”.

Micno ma sameyneyso waxa ay ka qabato dowladda, waxaa mar walba loo arki doonaa inay ku hoos shaqeyneyso amarrada aabbaheed. Mr Thaksin ayaana ah qof aad loogu kala qeybsan yahay.

Kasoo laabashadiisii dibad-joognimada sanad kahor waxay ahayd natiijada kaoso baxday gorgortan xooggan oo lala galay xoogagga asal-raaca ee awoodda leh.

Waxaa ka mid ah militariga, oo afgembiyay labo dowladood oo Shinawatra ay mamaulayeen, iyo kooxo u dhow boqortooyada, oo muddo ka badan 20 sano kasoo horjeeday Mr Thaksin.

Guushii cajiibka ahayd ee xisbiga Move Forwad (Hore u Dhaqaaqa) ay ka gaareen doorashadii hore, ee ku riixay Pheu Thai iyo qabiilka Shinawatra inay markii horreysay kaalinta labaad galaan, ayaa ku qasbay asal-raaca, oo axsaabtooda ayba meelo kasii hoose galeen, inay dib isu eegaan oo xaaladda la qabsadaan.

Isha: BBC