Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay + Sawirro

Buurhakaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgalka lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25 KM u jira Buurhakaba, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa xusay in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana ay cagta mariyeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

Shalay ayaa sidaan oo kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ugaa sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas laga gaaray natiijo wax ku ool ah, waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalladaas ayaa si gaar ah loogu furay waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome oo ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.