Daawo: Amar kasoo baxay madaxda dalka oo ka dhaqan-galay Boondheere

Muqdisho (Caasimada Online)  – Waxaa xalay degmada Boondheere ka dhaqan-galay amar kasoo baxay madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan in la dadargeliyo howlaha sugidda amniga Muqdisho, waxaana ka dhacay howlgal culus oo amni xaqiijin ah.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad-sugidda ayaa waxaa laga fuliyay waddooyina iyo dhammaadan xaafadda degmadaasi.

Guddoomiyaha Boondheere Mudane Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi oo qayb ka ahaa howlgalka ayaa ka warbixiyay, wuxuuna sheegay inay u guur galayeen xaaladda guud.

“Waxaan qabanay howlgal amniga lagu xaqiijinaayo guud ahaan degmada Boondheereoo ay iska kaashanayaa maamulka degmada Boondheere, taliska saldhigga degmada iyo taliska nabad-sugidda ee degmada, waxaan u kuugaleynay xaaladda guud iyo goobaha ganacsiga annaga oo wareysaneyno” ayuu yiri guddoomiye C/laahi Xasan Sheekh Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalka uu qayb ka ahaa fulinta amarka kasoo baxay madaxda sare iyo duqa Muqdisho ee ku aadan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

“Ujeedka waxa uu ahaa inaa fulino amarkii kasoo baxay madaxda sare iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ah in la dardargeliyo howlaha amniga lagu xaqiijinaayo caasimada ay qayb ka ahayd” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka degmada Boondheere oo uu ugu baaqay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabad-gelyada iyo xasiloonida guud.

“Runtii bulshada reer Boondheere waa dad aad u jecel nabadda iyo dowladnimada, waxaana ku adkeyneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga” ayuu kusii daray.

Boondheere ayaa kamid ah meelaha ay dhowaan ka dhaceen weerarada qaraxyada ah, waxaana la beegsaday maqaayadda Top Coffee oo ku taalla degmadaasi, halkaas oo lagu laayay dhalinyaro ciyaaro ku daawanayay maqaayadda, xilliga la weeraray.