Xogta kulan dhex-maray Wasiir Fiqi iyo danjireyaashii u badnaa + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan muhiim ahla qaatay illaa 12 safiir oo magacaaban iyo laba qunsul.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska wasaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu wasiirka kula dardaarmay danjireyaasha cusub, oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiiradda Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, wasiir Fiqi ayaa wuxuu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha muhiimka ee ay u xil-saaran yihiin.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in ay u howl-galaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyada oo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblumaasiyadeed ee dalka.

Wasiirka ayaa u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirri-geliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka.

Safiirradan iyo labada qunsul ayaa 6-dii bishan waxay kalsooni buuxda ka heleen golaha wasiirada, waxayna danjireyaashan dalkeena uga howlgali doona dibedda si loo dhameystiro danaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ka leenahay caalamka.