Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay maanta DF ka dhaqan-gelisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka si rasmi ah uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda beddeshay hanaanka tooska ah ee loo jaranayo, ayada oo ka go’aysa lambarada ganacsi ee loo yaqaano Merchant, kadib marka muwaadinka uu wax ka gato dukaan, taas oo lagu dalacayo isla macmiilka wax iibsanaya.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo si kala duwan uga fal-celiyay canshuurtan maanta dhaqan-gashay ayaa qaarkood waxay shaki xooggan halka ay aadi doonto lacagtaasi iyo in dib loogu soo celin doono shacabka.

Halka dalalka jaarka ee canshuurta noocaan ah ay adeegyo wax ku ool ah kusoo celiyaan shacabkeed, taas oo muwaadinka ku riixeysa inuu bixiyo lacagtaan oo kusoo laabaneysa, waana midda ay su’aalaha badan ka keeneen dadweynaha.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Maxamed Jowhar: Waxa nasiib daro ah in canshurtaas rag gooni ah ka macashayaan aan shacabka lagu soo celin haba yaraatee wax adeeg ah.

“Dalka oo dhan canshuurta ma ka dhaqan gashay mise caasimada ilaa Koonfurta in lagu soo rogay canshuurta 5% ah,” ayuu yiri Aadan Cabdi Warsame.

Cabdalla Cali: “Canshur hala qaado lama diidana shacbka iyo dalka ha lagu celiyo sida in la dhiso waddooyinka nadafadii iyo wixii lamid ah laakiin dad jeebkoda inay ku dhacdo lacagtaas berri waxaa laga su’aala.”

Maxamed Xuseen ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “La kala nasiib badan dalka qaybta aan joogo warkaas lagama hadal hayo xitaa.”

“Canshuurta waxay xalaal utahay qofkii dalka u shaqeeyo ee kow ka yihiin ciidanku wuxuu xaaraan ku yahay xildhibaanada u joogo lacag iyo dano siyaasadeed,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Saciid.

Cabdiraxmaan Koronto: “Kaa xoog badni lacagtana isii waxna kugu qaban maayo aan u fahmay dadku canshuur ma diidanee badiilkeeday wayeen ee hadi hal project si sax ah logu qaban laha intas iyo kabadanba way bixn lahayeen.”

Axmed Saciid Cabdulqadir: “Muduharaadkii reer kenya cml aan isku diyaarino ayagaa dan ugu laabane.”

“Dadka canshuurta waa laga qada amaankoda neh lama sugaayo yaab,” ayuu tiri gabadh lagu magacaabo Salma.

Shaafici Cabdi: “Waxaa la isku haysto canshuur qaadista kaliya ma ahan, nidaamka iyo maamulida canshuurta ma yihiin kuwa la isku haleyn karo. Kawaran canshuurtii lagaa qaaday hadeysan kusoo noqoneyn iyadoo ah nidaam dowladeed. Waxaa la dhihi karaa wax ma dhaanto baad is baaro lagaga qaaday!.”