BF oo soo faro-geliyay xaaladda ka taagan Muqdisho kadib go’aankii DF

Muqdish (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa u yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa soo farogelisay xaaladda ka taagan Muqdisho ee  ka dhalatay go’aanka dowladda ee canshuurka Iibka

Kulanka ayaa waxaa la horgeeyay mooshin culus oo ku aadan cabashada shacabka iyo ganacsatada, kaas oo ay Sabtidii guddoonka sare u gudbiyeen  xildhibaano kor u dhaafaya 10 oo sheegay in mooshinkooda uu ku saabsan yahay xaaladda soo korortay.

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka hadashay mooshinka la geeyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka gobolka Banadir oo kaliya la beegsaday, isla markaana canshuurta lasoo kordhiyay ay dhibaato ku tahay reer Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay lacago xad-dhaaf ah oo ay sheegtay in ganacsatada looga qaado dekedda iyo koontaroolo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Shacabkan gobolka Banaadir dhibaatooyinka ay qabaan waxaa kamid ah baabuurka marka uu dekdda ka baxo oo badeecadaha gobollada uu qaado Ex-koontarool waxaa looga qaadaa 188 dollar, siinka dheer waxaa looga qaadaa 80 dollar oo la leeyahay wasaaradda gaadiidka ayaa iska leh busteejooyin loo bixiyay laamo faracyo ah oo mid kasta looga qaado 250 dollar, degmada waxaa looga qaadaa 10 dollar, lacagahaas oo dhan ma galaan wasaaradda maaliyadda” ayay tiri xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Dadka gobolka Banaadir ee aan annaga xildhibaannada u nahay ma diidana canshuur dowladnimada Soomaaliya ayada oo dekedda iyo garoonka aysan shaqeynin ay dhiibi jireen canshuur”.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in arrintan lagu beeegsanayo ganacsiga dad gaar ah, si loo baabi’iyo hantidooda.

“Dad gaar ah ayaa ganacsigooda la baabi’inayaa, Malaayiin dollar oo jeebab gaar ah ku dhaca ayaa laga qaadaa ganacsatada oo waraaqihii lagu qaatay la hayo” ayuu yiri.

Gamaa’diid ayaa sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo xeer u gaar ah canshuurta, si xal loogu helo cabashada shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

“Arrinkan cabashada ah ee taagan ma’ahan in cashuur laga soo horjeedo, ma’ahan inaan diidanahay ee waa in xeer loo helo Canshuurta” ayuu isna yiri Gaama’diid.

Doodda baarlamaanka ayaa kusoo aadeyso, xilli maalintii labaad uu xiran yahay suuqa Bakaaraha, sababo la xiriira cabasho ay canshuurta iibka ka qabaan ganacstada.