Daawo: Bajaaj-leyda oo soo dhaweysay go’aankii kasoo baxay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya.

Go’aanka wasaaradda oo hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka ayey si diiran usoo dhaweeeyen wadayaasha bajaajyada ee magaalada Muqdisho oo dhawaan cabasho xooggan ka muujiyey arrinkaan.

Tiro kamid ah dhallinyaradad Mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahad-celiyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada.

“Wasaaradda gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar,” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay telefishanka Dalsan.

Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “Ganaaxii 50 dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka.”

Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna waxa uu yiri “Waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”.

Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahad-celiyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay.

Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaan-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in aysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka, taas oo hadda wax laga qabtay.

Halkan hoose ka daawo muuqaallada