Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Galmudug oo is-casilay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Galmudug ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, isaggoo casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isaggoo sheegay inuu reer Galmudug u adeego doono xataa in haddii uusan xil haynin.

“Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, islamarkaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Waxaan cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Wasiiru-dowlaha is-casilay ayaa xilkan hayay tan iyo mudaddii ay dhisneyd xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor, waxayna is-casilaadiisu kusoo aadeysa xilli uu maamulka wajahayo doorashooyin, uuna Qoor-Qoor ku dhowaaqay hanaan doorasho oo mugdi badan ku gadaaman yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is-casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galmudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen.

Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin.

Sidaas awgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Wabillaahi Towfiiq
Cumar Shido