Daawo: DF Soomaaliya oo dalacsiisay saraakiil sameeyay naf hurnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomtay munaasabad heer sare ah oo lagu dallacsiinayo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo sameeyay naf hurnimo.

Saraakiishan ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta saraakiisha ciidanka ee geesiyaasha ah, iyada oo horey dowladda dallacsiin ugu sameysay saraakiil kala duwan, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabadda.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doonaa dhowaan.

“Dagaalka Al-Shabaab dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya.

Saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka ayaa lagu abaalmariyay, laguna dalacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka Shabaab lagula jiro, iyadoo qorshuhuna yahay in kuwa harayna loo sameeyo dallacsiin.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaartay dhammaan saraakiisha kale ee howl-gallada ka wado geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf-hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan cadowga curyaamisay horumarka dalka iyo dadka, sida uu sheegay.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ayna sii wadi doonaan abaalmarinta saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Sidoo kale, taliyihii hore ee ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo goobta ka hadlay ayaa isna tilmaamay in saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka qaranka ee saaran, ayna taas ku muteysteen abaalmarinta.

Waxa uuna tilmaamay in qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd ee loo igmaday, ayna maamusi doonto.

Hoos ka daawo muuqaallada