Qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kooxda reer galbeedka ee deggan Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inay heleen digniin cusub oo ku aadan in caasimada ay ku jiraan gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Digniinta ayaa waxaa lagu sheegay in meelaha la bartimaameedsan karo ay ku jiraan baraha koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, hoteellada ku yaalla caasimada, baraha koontarool ee KM4, waddada Maka Al-mukarama, gaar ahaan Dabka  iyo xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Si kastaba, Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheyso xaalad adag oo dhanka amniga ah, kadib markii Al-Shabaab ay kordhisay weeraradeed, waxaana ugu dambeeyay weerarkii xeebta Liido oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.