Daawo: Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ka hadlay dilalka ka socda Galmudug iyo cidda ka dambeysa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee culimada Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay mowduuc xasaasi ah oo hadal-heyn dhaliyey.

Macalinka ayaa ka digay in dadka hub la isugu dhiibi oo ay is dilaan, isagoo si weyn uga digay in qof islaam ah la dilo, balse dadka baraha bulshada uga falceliyey khudbadda Macalin Maxamuud ayaa ku eedeeyey ‘in horay uu dadka isugu diri jiray’ xiligii Ahlusunna.

Macalin Maxamuud ayaa ku dheeraaday tusaaleynta sida ilaahey u xarimay in la dilo qof islaam ah, wuxuuna sheegay in qofkii dila uu ku waarayo Naarta Jahanaba, isagoo ku taliyey in laga hortago dagaalada qabaa’ilka ee Galmudug ka socda iyo dadka hubeynaya shacabka.

Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa ka digay in dadka reer Miyiga ah la hubeeyo, kuwaas oo aan laheyn aqoon iyo garaad badan oo ka xakameynaya qof kale ee islaamka ah ee aan mudneyn in la dilo.

Waxyaabaha uu ka digay Macalin Maxamuud waxaa ka mid ahaa in xukunka awood lagu raadiyo, iyadoo la hurinayo colaad, la hubeynayo dad nabad ku jiray iyo in loo bareero in umadda la laayo, si xukunka loo qabsado.

Macalinka ayaa ka digay in talada dalka ama deegaanka loo dhiibo qof jaahil ah oo xurmada dadka kale aan garaneyn, wuxuuna dadka fursadda heysta ugu baaqay inay doortaan dadka mudan inay hoggaamiyaan bulshada ee wax bartay.

Dadka aragtidooda uga dhiibtay qeybta faalada khudbadii Macalin Maxamuud ee maanta ayaa ku dhaliilay sidii ay u dhaqmi jirtay Ahlusunna waayihii ay hubeysneed, xiligaas oo dagaalo badan ay la gashay maamulka Galmudug oo dhismihiisii ay ka soo horjeedeen, walow ugu dambeyntii laga awood batay.

Maamulka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka adkaaday Ahlusunna, iyadoo xoog hubka looga dhigay, Dhuusamareeb iyo Guriceel ayey dagaalkii ugu qaraaraa kula galeen ciidamada dowladda, xiligaas waxaa aad looga naxay dagaalka ay u bareertay culimadii la jeclaa ee Ahlusunna, kaasi oo dhalinyaro badan oo muhiim ahaa ay ku dhinteen.

Hoos ka daawo