Weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay Jarmalka

Solingen (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay.

Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada.

Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK

Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan.

Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey

“Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller.

Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh.

Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka.

Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay “waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah.

Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne.

Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida.