Koonfur Galbeed oo war culus kasoo saartay xiisadda ka taagan SH/HOOSE

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saaray xiisadda ka dhalatay isbaarooyinka lasoo dhigay duleedka degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo dhalisay dagaal u dhexeyso ciidanka amniga iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isbaarooyinkaasi, waxayna sheegtay inay khatar ku yihiin amniga iyo sidoo kale nolosha dadka shacabka ah.

Sidoo kale wasaaradda ayaa boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo maalin kahor dagaal la galay maleeshiyaadka ku sugan Yaaqbiriweyne.

“Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay K/ Galbeed.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-

24-8-2024; War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

“Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalkeenna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar ween ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Isbaarooyinkan waxay sababeen: Nabadgelyo-darro, Hor-istaag Dhaqaalaha, Kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo Amni daro baahsan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxay xoojineysaa si buuxdana ugarab taagan tahay xoogaga amniga ee wada Howlgalka sifeynta isbaarooyinka, oo horeyna madaxda Dowladda go’aano cad ka soo saareen in aan la aqbali karin isbaarooyin sharci dara ah shaar walbo haloo galiyee, ayadoo la adeegsanayo: Wacyigelin iyo Xiriir Dadweyne, Sareynta Sharciga, Xoojinta iyo kaladanbeyta, ladagaalanka wax walbo oo liddi ku ah Amniga iyo Nabadgalyada deegaanada Dowladda kgs.

Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaahay asagoo ka hadlaayo kuwa noocaas ah ayna banaantahay in halmeel looga soo wada horjeesto ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri:

﴿ إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ﴾

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada ku dhaqan deeganada dowladda koonfur Galbeed Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hortagaan isbaarooyinka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada.

Wadajir baynu ku gaadhi karnaa horumar iyo Nabad galyo waarta.

Dhammaad.