Daawo: Senator Muuse Suudi oo runta u sheegay PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka maamulka Puntand.

Muuse Suudi ayaa si weyn u dhaliilay Puntland, wuxuuna sheegay in dhankeeda ay ka jirto caqabadda, ayna diidan tahay inay la shaqeyso dowladda dhexe.

“Waxa diidan inay dowladda la shaqeeyaan waa Puntland shirarka la wada qabto iyagaa inay kasoo qaybgalaan diiday, cid wax ka qaban kartana ma jirto” ayuu yiri Senator Muuse.

Senatorka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uusan jirin dhaqaale laga goostay Puntland, ayna ka lacag badan tahay maamullada kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolo dhaqaale laga gooyay ma jirto Puntland 750 ay shaqaale ahaan lacag ku qaadataa, aniga dowlad goboleedkayga wuxuu wax ku qaataa 150, waxaa ku xiga Galmudug 250 ayay ku qaadataa, waxaa kusii xiga Koonfur Galbeed 500 ayay wax ku qaadataa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qoftii sad-boob qabtay, haddii ay haddana xaqiraad qabto iyo imaan darro meel la gaynaayo ma naqaano, annaga gobolkan 5 miyan ayaa dagan xaquuq ay leeyihiin malaha dadka waa nabad galashaan, waana soo dhaqeeyaan”.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, maadaama uu jiro khilaaf u dhexeeyo mucaaradka iyo dowladda, isaga oo sheegay inuu soo dhaweynayo in laga gudbo doorashada dadban, lana aado mid ay dadweynaha soo dooranayan hoggaanka.

“Horta doorasho qof iyo cod ayay u socotaa khilaaf dadka madaxda ka ah dowlad goboleedyada dhexdooda inay ka heshiyaan ayaa laga rabaa” ayuu sii raaciyay.