Wasaaradda arrimaha dibadda oo u yeertay safiirada magacaaban + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta isugu yeertay dhammaan safiirada magacaaban ee ku sugan magaalada Muqdisho, si loogu diyaariyo inay si toos ah ugu guda galaan shaqooyinka dhowaan loo igmaday.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta safiirada cusu tababar uga furay Machadka Diblomaasiyadda, waxayna isugu jiraan illaa 12 safiir iyo 2 qunsul oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cali Balcad oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in safiirada laga doonayo inay ka soo dhalaalaan ammaanada iyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa ka hadlay tababbarkan oo la xiriira Diblomaasiyadda in safiirrada cusub, Qunsulada iyo diblomaasiyiinta looga baahanyahay in ay aqoontooda ku lifaaqaan waddaniyadda oo ay muujiyaan karaamada shaqo iyo matalaad,

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in waxwalba ay ka hormarinayaan danta qaranka, wuxuu intaa ku daray in tababarkani uu wax badan ka tari doono ilaalinta danta qaranka.

Ugu dambeyn kusimaha xoghayaha joogtada ahna agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Shaafici Nuur Calas ayaa sheegay safiirrada iyo qunsulada guud looga baahan yahay sare u qaadidda maqaamka dalka iyo sumcaddiisa.

Magacaabista safiiradan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayada oo ujeedka lagu sheegay si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay dalalka caalamka.