DF oo amar culus duldhigtay shirkado iyo xawaalado ka shaqeeya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa soo saartay amar ay ciwaan uga dhigtay “ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Amarkaan ayaa ku socda shirkadaha<span;> 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥, 𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚 𝐄𝐱𝐩𝐫𝐞𝐬𝐬, 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐲𝐒𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐛𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡.

Shirkadahaan ayaa adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasaarada ayaa shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka