Hadal uu yiri Xamza oo ‘kala shaki xooggan’ ka abuuray gudaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalmo kahor kulan su’aallo lagu weydiinayay ka sheegay in haddii uu isbeddel ka dhaco Somaliland ay si fiican iskula jaan-qaadi doonaan.

Waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay inay taas ka shaqeynayay, isaggoo yiri “Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono.”

Hadalkan ayaa durba kala shaki xooggan ka abuuray gudaha Somaliland, ayada oo xukuumadda Somaliland ay musharaxa xisbiga Waddani ka dalbatay inuu caddeeyo mowqifkiisa, xilli uu Xirsi Cali Xaaji oo ragga ugu culus xisbiga uu ku tilmaamay “riyo maalmeed”.

Hase yeeshe, Cabdinasir Buuni oo hadda ah wasiirka xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa ku dooday farriinta ra’iisul wasaare Xamza aysan ku socon Xirsi, ee ay tahay mid toos u taabaneyso Ciro, sidaas darteedna aysan jawaabta Xirsi oo keliya ku filneyn hadalkaasi.

Xisbiga Waddani ayaa ah kan ugu tunka weyn ee mucaarada, ayada oo loo tiriyo haddii uu isbeddel ka dhaco Somaliland inuu la wareegi doono xukunka, xilli xukuumadda Muuse Biixi uu hoggaamiyo ay wajaheyso eedeymihii ugu badnaa oo ugu weyn tahay “oogida dagaallo gudaha ah.”

Arrinka wasiirka ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeed oo la doonayo in galaan-gal loogu yeesho ololaha doorashada Somaliland ee bisha November dhacaya.

Balse wasiirka ayaa sii adkeeyay hadalka kadib markii uu ku doodday in xisbiga Kulmiye iyo Ucid oo kaliya ay aaminsan yihiin Somaliland ee Waddani aanu aaminsaneyn Somaliland, laakiin taasi ay ka hor imaanayso mowqifka xisbiga Waddani oo uu danbeeyay bayaankii uu saaray guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ee lagu sheegay in siyaasadda Waddanina ay tahay dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka kamid ah.

Somaliland oo ayadu ku doodda inay ka go’day Soomaaliya muddo ka badan 30 sano ayaa weli helin wax aqoonsi ah, ayada oo caalamk auu intiisa badan ula tacaamulo siddii maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay cirka isku shareetay kadib markii madaxweynaha xilka kasii degaya ee Muuse Biixi Cabdi uu horraantii sanadkan Addis Ababa uu Abiy Axmed kula saxiixday is-afgarad lagu bixinayo badd, taas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.