DF oo qaaday tallaabo culus kadib xoreyntii Mesegawaa + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan magaalada Mesegawaa ee gobolka Galgaduud, kadib markii dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugnaa halkaasi.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta Muqdisho ka dirtay gaadiid siday shixnad gargaar oo loogu tala-gaay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Gargaarka oo gaaraya illaa 10 gaari oo nooca xamuulka ah ayaa haatan ka dhaqaaqay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro halkaasi, si loogu qaybiyo shacabka Mesegawaa oo muddo kadib helaya adeegyada dowladdooda Soomaaliya.

“Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta” ayaa lagu yiri waraxaafadeed kasoo baxay Hayadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA.

Sidoo kale hay’addaha ayaa intaasi kusii dartay in arrintan ay qayb ka tahay fulinta amarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in gargaar la gaarsiiyo deegaanada la xoreey.

SoDMA ayaa sidoo kale ballan qaaday inay sii wadi doonto dadaalladeeda, ayna garab istaagi doonto bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan gudaha dalka.

“Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Galgaduud ayaa waxaa weli kasii socda gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo hoostaga maamulka Galmudug.