Xogta shir Muqdisho uga furmay DF iyo maamullada oo qeyb ka tahay beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir muhiim ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo qeyb ka yihiin wakiiladda caalamka.

Shirkan oo uu daah-furay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka tirsan wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo saxiibada caalamka.

Wasiirka arrimaha gudaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday guulihii mashruucii dhammaaday ee JPLG, isaga oo sheegay in muddada uu socday 15 sano ah laga hirgeliyey dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamullada dalka sida; Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland halka gobolka Banaadirna uu wax badan ka helay ayna ka faa’ideysteen 46 degmo oo dalka ah.

Waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa qorshayaasha magaalooyinka iyo kobcinta dakhliga degmooyinka, dhismaha goobaha lagu qabto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo faya dhawrka., kaabayaasha degmooyinka sida; wadooyinka, isbitaallada, iskuullada, ceelasha iwm.

“Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, SSC-Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Banaadirna waa ku bogaadinayaa hawlaha ay wadaan waxaana kula dar-daarmayaa inay labo-jibaaraan dadaalkiis si adeegga iyo dowladnimadaba loogu dhoweeyo muwaadiniinta,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Cali Xoosh ayaa shaaciyay 5 faa’iido oo muhiim ah oo uu xambarsaan yahay mashruuca uu ku saabsan yahay shirkan maanta u furmay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo kala ah;

1. In saldhig looga dhigo, oo lagu dul shaqeeyo Mashruucii JPLG sida dhameystirka mashaariicdii socotay ee dowladaha hoose.

2. Dowlad-Kaab waxaa la socda mashaariic cusub oo la fulin doono 5-ta sano ee soo socota.

3. Dowlad-Kaab inta uu socdo waxaa la ballaarin doonaa degmooyinka iyada oo la tayeyn doona howlaha.

4. Dowlad Federaalka ah, waxaa ka go’an in Mashruucan Muhiimka ah loo qareemmo, oo dhaqaale loo raadiyo.

5. Mashruucan Dowlad-Kaab waxaa uu kabi doobaa dhismaha Mashaariic dhismo ee Dowlada Hoose ee soo socda.