Labo sano kadib: Muxuu yahay waxqabadka mudan in lagu bogaadiyo dowladda Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ugu dabaal-degtay inay labo sano jirsatay.

Waxyaabihii ay soo bandhigeen aad uguma qancin dadweynaha, loomana arag wax gaarsiisan faan iyo xaflad intaas le’eg, laakiin waxaa jirta hal arrin oo aan la inkiri karin, taas oo ka qabsoomtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

Asbuucan waxaa imtixaan u fariistay 13,250 macalin, waxay u tartamayaan shaqo 3,000 macalin oo ay soo bandhigtay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Imtixaankan ayaa lagu galay 45 goobood oo ay wasaaradda diyaarisay oo Muqdisho iyo gobollada dalka ku yaalla.

Waa mashruucii labaad ee shaqaaleysiin macalimiin ah. Wasaaraddan waxaa maamula Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka yimid bahda waxbarashada.

Horey waxay wasaaraddan u shaqaaleysiisay 3,000 macalin oo hadda wax ka dhiga dugsiyada ay maamusho dowladda federaalka. Haatana 3 kun oo cusub ayaa la qaadanayaa oo imtixaan u fariisatay, kuwaas oo ay wasaaradda horey u sheegtay in mushaaradkooda la hayo.

Shaqaaleysiinta 6,000 macalin muddo laba sano ah waxaa lagu tilmaami karaa shaqadii ugu weynayd oo ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ka qabato arrimaha bulshada labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay kale oo tani muujineysa waxa u qabsoomi kara dalka haddii wasaarad walba loo dhiibo qof shaqadeeda iyo baahideeda yaqaan.