Sawirro: MADAALE oo indhaha soo saaray maandooriye halis ah kadibna lagu gubay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maandooriyaal halis ku ah bulshada caasimadda.

Maandooriyahan halista ah ayaa waxaa maanta lagu gubay goob fagaare ah oo ku yaalla duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyahaan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Yabooh, Taliyaha qeybta guud gobolka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare Macalin Mahdi iyo saraakiil kale.

Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka booliska Soomaaliyeed G/sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha iyo adeega Internet-ka ee loo yaqaano 1xbet uu caqabad ku yahay xasiloonida caasimadda iyo horumarka bulshada.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu digay cid kasta oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha iney ka waan toowaan cidii lagu soo qabtaana sharciga lala tiigsan doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada olole lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maandooriyaha ayay laamaha amnigu ku tiriyaan waxyaabaha ugu weyn ee qeybta ka ah amni darrada, xilli ay ciidamada kala duwan ee dowladda ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga caasimada, oo sidii hore amni ahaan kasoo wanaagsananeysa.