Xogta weerar lagu qaaday Masjidka SOOMAALIDA ee Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Imaamka masjidka Daarul Xikma ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minesota ayaa sheegay in weerar loo geystay masaajidkaasi xilli habeen ah.

Waxa uu sheegay in laamaha ammaanku ay baarayaan falkan islamarkaana aan wali la aqoonsan ninkii falkaasi weerarka ah u gaystay masaajidka.

Hay’adaha ammaanka Maraykanka ayaa ku howlan baarista weerarka lagu qaaday Masjidkan ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ay leeyihiin Soomaalida ku nool dalkaas.

Dadka weerarka fuliyay oo ilaa haatan aan la aqoonsan ayaa baxsad ah balse waxaa ku raad-joogga ciidamada ammaanka ee Maraykanka, gaar ahaan kuwa sida qaaska ah ugu qaabilsan daba-galka kiisaska noocaan oo kale.

Tuhunka ugu weyn waxa uu yahay in koox ay ahaayeen dadkii weerarkaas soo abaabulay, balse uu keliya ka fuliyay hal qof oo laga daawaday Kaamirooyinka muuqaallada ay duubeen si raad-raaca booliska uu ugu fududaato soo qabashadiisa.

Imaamka Masjidkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidamada u tagay ay su’aalo weydiiyeen lana wadaagaan macluumaad inta uu hayo.

Sidoo kale waxa uu rajo ka muujiyay in lasoo qabtay si looga hortago weerarro kale oo halkaas ka dhici kara.