Xog: Qorshe xasaanadda looga qaadayo 20 xildhibaan + Magacyada iyo qabiiladooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe xasaasi ah oo xasaanadda looga xayuubinayo 20 xildhibaan oo ku dhiiraday inay taageeraan Itoobiya oo duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya, waxayna Caasimada Online heshay liiska magacyada xildhibaanadaas oo loo heysto dembi qiyaano qaran ah iyo qabiilada ay kasoo jeedaan.

Waxaa Muqdisho ka socda kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrintaan, liiska 20-kaan xildhibaan ayaa loo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana suurtagal ah in arrintaan waanwaan laga galo, maadaama ay socdaan dadaalo badan, xildhibaanada qaarna ay sheegeen inay qaldameen oo raali gelin bixinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid kamid ah 20-kaas Xildhibaan xafiiskiisa ka eryey, waxaana Cabdirashiid Jily oo akhriyey warsaxaafadeedkii xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ahaa Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka.

Liiskaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiillada 20-ka xildhibaan ee qarka u saaran in xasaanada laga xayuubiyo ee lagu soo oogo dembi qiyaano qaran ah:

1. Xildhibaan Dr. Abdirashid Mohamed Nor (Jilley) – Mirifle/Jiroon
2. ⁠Xildhibaan Alwiya Sayid Abdullahi – Digil/Geledi
3. ⁠Xildhibaan Luul Ibrahim Omar Hassan  – Digil/Dabare
4. Xildhibaan Sahur Haji Ulusow Hassan Digil/Shanta Caleemood
5. ⁠Xildhibaan Abdirahman Isaaq Mohamed – Mirifle/Eylo
6. ⁠Xildhibaan Abdikadir Abdirahman Dhure – Digil/Garre
7. ⁠ Xildhibaan Ali Sheikh Mohamed Nur – Digil/Shanta Caleemood
8. ⁠ Xildhibaan Hassan Abdi Noor Abdi – Mirifle/Geledle
9. ⁠ Xildhibaan Maryan Mohamed Ali  Digil/Jiido
10. ⁠ Xildhibaan Mohamed Adan Mohamed – Mirifle/Heledi
11. ⁠ Xildhibaan Mohamed Wardere Adan – Mirifle/Reer Dumaal
12. Xildhibaan Sadiq Abdullahi Abdi Hassan Mirifle/Hubeer
13. ⁠ Xildhibaan Aweys Hussein Moalim Beesha Shanaad/Hintire
14. ⁠ Xildhibaan Abdalla Hussein Ali – Dir/Biimaal
15. ⁠ Xildhibaan Farhia Mohamed Abdi – Dir/Biimaal
16. ⁠ Xildhibaan Abdullahi Mohamed Ali – Mirifle/Yantaar
17. ⁠ Xildhibaan Mukhtar Ahmed Hassan Saajid – Hawiye/Wacdaan
18. ⁠ Xildhibaan Abdulkadir Sh Ali Baraka – Mirifle/Garwaale
19. ⁠ Xildhibaan Ahmed Mashruuc Daarood/Ogaadeen
20.  Xildhibaan Mohamed Hassan Mohamed Murjaan – Digil/Tunni