Xogta kulan Xasan Sheekh uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeennada laba maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku xigeennada maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Xasan ayaa Cali Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan la yeeshay kulan gaar ah, kaas oo ay sidoo kale ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka ,arrimaha dastuurka, dorashoyinka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lasoo wariyay in madaxda uu la kulmay ee Galmudug iyo Jubbaland uu ku boggaadiyay horumarrada ay ka sameeyeen maamulladooda iyo doorka ay ka qaateen howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda si gaar ah doorashada, maadaama madaxda maamullada ay ka dhammaadeen muddo xileedka.

Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay is aragga madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada madaxweyne ku xigeen maamullada Galmudug iyo Jubbaland, maadaama kulankooda uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana xaaad kacsan laga dareemayo gudaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya.