“Xildhibaanada Itoobiya taageeray waa in sawiradooda liis madow la galiyo haddii…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed ayaa meel adag iska taagay in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero Itoobiya oo ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna.

Xildhibaan Ilyaas ayaa dalbaday in liiska madow la galiyo sawirada xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya taageerada u muujiyay Itoobiya oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya.

“Xildhibaanada Itoobiya taageeray hadii ay cudur daaran waayaan sawiradooda liis madow hala galiyo, waxaan ka xumahay in aan kamid noqdo baarlamaanka 11-aad oo taariikhda u gashay taageerada Itoobiya,” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadda waa isku riix-riixi karnaa ee waa idinka qaldantay ee soo laabta, haddii aad ku dhiiran weydaan maalinta adag ee ku jirno, waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed sawiradooda waa haysataan ee liis madow galiya oo wax dambe ha ka aqbalina.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiyaanka aysan u tureyn gobol ama qabiil gaar ah ee ujeedkoodu yahay boobka dhulka Soomaaliyeed, “si isku siman ayey u rabaan in ay noo boobaan oo noo dhacaan.”

“Mustaqbalka caruurtayda iyo caruurta Soomaaliyeed ayaa u daneynaya, taariikhda umadda Soomaaliyeed ayaa rabaa in aan u daneeyo ee qof walba dalkaaga adiga leh ee dhulkiisa iyo baddiisa loo socdaa oo wax aan siyaasadeyn karno maaha.”

Dad badan ayey fajaciso ku noqotay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay taageero u muujiyaan Itoobiya oo haatan ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada dalkeenna, maadaama aysan aheyn waxa la isku hayo wax mucaaradad gala.

Hoos ka daawo muuqaalka