Xogta safarka Xasan Sheekh uu ku tegay Beijing + Sawirro

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga uu horkacayo ayaa halkaasi uga qeyb-gali doona shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmaya magaalada Beijing ee dalkaasi.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato madaxda sare ee dowladda Shiinaha iyo xubnaha kale ee qeybta ka ah shirkaan.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, wuxuuna shirkaan qeyb muhiim ah ka qaadan doona iskaashiga labada dhinac.

Si kastaba, dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.